Guardiola ma sii joogi doonaa Man City?

Pep Guardiola ayaa lagu wadaa inuu baaqi kusii ahaado kooxda Manchester City – walow ganaaxii ugu dambeeyay ee kaga yimid UEFA sameyn ku yeelan karto mustaqbalkiisa.

City waxaa laga UCL labada xili ciyaareed ee soo socda kadib markii ay jebiyeen sharciga dhaqaale wanaaga ciyaaraha.

Taas waxay macnaheedu tahay in City aysan ciyaari karin UCL xili ciyaareedyada 2020/21 iyo 2021/22, taasoo ka bilaaban karta xilli ciyaareedka soo socda.

Laakiin Goal ayaa sheegeysa in City ay ku kalsoon tahay in codsigooda racfaanka ay ku guuleysan doonaan.

Waxay sidoo kale filayaan in tababare Guardiola uu sii ahaan doono tababaraha kooxda wixii ka dambeeya xili ciyaareedkan.

Guardiola hal sano ayaa uga hartay qandaraaskiisa marka xilli ciyaareedku soo gabagaboobo.

Naadigu wuxuu rumeysan yahay inuusan dooneynin inuu sanad ka hor qandaraaskiisa baxo macalinka reer Spain.