Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ku gacan seyray Matteo Guendouzi inuu adeegsado kulankii guusha ay ka gaareen kooxda Newcastle United axadii.
Jariiradda The Mirror ayaa sheegeysa in Arteta uusan ku faraxsaneyn qaab ciyaareedka 20-sano jirkaan uu ka sameeyay tababarka Dubai.
Guendouzi wuxuu si joogto ah u ahaa safka koowaad ee kooxda Arsenal intii uu macalin Unai Emery shaqada hayay, laakiin ma uusan u ciyaarin si heer sare ah tan iyo markii uu kooxda ka tagay reer Spain.
Waxaa jira tartan badan oo boosaska qadka dhexe ee Arsenal ah, waxaana dib usoo laabtay Dani Ceballos oo soo bandhig qaab ciyaareed cajiib ah.
Arteta ayaa la sheegay inuusan la dhacsaneyn qaab ciyaareedka Guendouzi intii uu tababarka ku qaadanayeen Dubai
Ceballos ayaa sameeyay qaab ciyaareed wanaagsan, iyadoo Arteta uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib in Guendouzi uu tusaale ka qaato ninka amaahda kaga yimid Real Madrid ee Ceballos.
Arteta ayaa yiri: “Dani Ceballos waa tusaale fiican. Waana dhaawacmay, markii aan bilaabay inaan tababar ka noqdo halkaan, laakiin haatan taam ayuu yahay.
Waxaan gabi ahaanba bedelay dhaqankiisa, waxaan wuxuu sameeyay xawaare sarre. Waxaan u maleynayaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican garoonka dhexdiisa.