Dab xooggan oo ka kacay Duleedka Laascaanood

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool dab xooggan ayaa ka kacay dooxada Ooda-Gooye ee duleedka Laascaanood.

Dabka oo aan weli la xaqiijiyay waxa dhaliyay ayaa goor dhoweyd ka kacay dooxadaasi dhul daaqsimeedka ku wanaagsan oo kamid ah dooxooyinka waaweyn ee gobolka Sool.

Dadka ku sugan magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in dabka halkaasi ka kacay uu si xawliya ku socdo islamarkaana ay adagtahay in la demiyo maadaama uu jihooyin kala duwan ku faafay.