Taliye kuxigeenka qaybta 21-aad Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi iyo Ciidamo uu hugaaminayo oo ku sugan Degmada Balambale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay halkaasi ka wadaan howlo nabadeyn ah oo lugu dhex dhexaadinayo Beelo dagaaamay.
Wafdiga ayaa waxaa ay la kulmeen Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo isna Balambale u tegay sidii uu kaalin uga qaadan lahaa xoojinta howlaha Ciidanka amaanku kawadaan balanmbale.
Taliye xigeenka waxaa howshan Ku wehlinaya saraakiil sare oo uu ka mid yahay Taliyaasha Guutooyinka 15-aad Gen: Mascuud Maxamed Warsame iyo Guutada 13-aad Gaashaanle Cabdiraxmaan Macalin Maxamuud “Timadheere”.
Taliska Ciidamada qeybta 21aad ayaa horey waxaa ay heshiis u soo kala dhex dhigeen maleeshiyaad ku dagaalamay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Gallgaduud ee Maamulka Galmudug.