300 oo Askari oo iskugu jira Saraakiil iyo ku xigeeno ahna dufcaddii 1-aad ee Ciidanka Daraawiishta Soomaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho loogu soo xiray tababar muddo u socday.
Munaasabadda tabarka loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga, Saraakiil ka tirsan AMISOM,UN-KA iyo Masar.
Taliye xigeenka hoggaanka iyo tabararrada Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Maxamuud Maxamed Garaar ayaa sheegay in Ciidankaan la baray Carasho ku saabsan ka hortagga weerarada Al-Shabaab.
Xildhibaan; Zakariye Xaaji Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Taliska Booliiska ku bogaadiyay dedaallada ku aaddan tayaynta Ciidanka iyo sida ay ugu heellan yihiin la dagaallanka cadowga.
Taliyaha Ciidanka Soomaliyeed sareeye Gaas; Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay inay xoogga saarayaan dhismaha Ciidan Qaran oo hanta ammaanka Dalka iyo jiritaanka Qaranka Soomaliyeed.