War goordhow naga soo gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa uu sheegayaa in Bam Gacmeed uu ka dhacay meel u dhow Xarunta Maxkamadda Magaaladaas.
Bamka ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu ku dhacay afaafka hore ee Xarunta Maxkamada,isla markaana ay ku dhaawacmeen Saddex qof,waxaana Xarunta Maxkamadda horteeda lagu iibiyaa Jaad(Qaad).
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Ammanaka Magaalada Dhuusamareeb ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey weerarkaas bam gacmeedka ah.
Wararka kusoo kordha kala socda www.Radiorisaala.com