SAWIRO:-Odayaal ku wajahnaa Dhuusamareeb oo ishor-istaag lagu sameeyey

Wararka laga helayo degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Nabadusgida degmadaas ay Maanta is hor-istaag ku sameeyeen Odayaal kasoo baxayay degmadaas oo ku wajahnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Dad ku sugan Guriceel ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada NISA ay gaadiidka Ciidamada ku jareen wadada u dhaxeysa degmada Guriceel & Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana ay celiyeen Gaadiid ay saarnaayeen Odayaasha & Waxgaradka.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Odayaasha & Waxgaradka degmada Guriceel ay doonayeen inay Dhuusamareeb uga qeyb-galaan munaasabad soo dhaweyn looga sameynayo Madaxweynaha Galmudug ee Garabka Ahlusunna Maxamed Shaakir Cali Xasan.

In kastoo laamaha Amniga Guriceel aysan faah faahin sababaha Odayaashaan looga celiyey inay ka ambabaxaan degmada Guriceel ayaa waxaa ay salka ku heeysaa khilaafka ka dhashay doorashada,iyada oo Dhuusamareeb ay ku wada sugan yihiin Madaxweynaha Galmudug garabka Dowladdda iyo Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna.

Wararkii ugu dambeeyey ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dood dheer kadib Ciidamada ay fasaxeen Odayaasha & Waxgaradka ka tegay Guriceel kuna wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.