Deegaanka Afqurun oo ku dhow degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan waxaa dagaal culus uu ku dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Kooxda Macawiisleyda,kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Ciidamada Itoobiyaanka ee la dagaalamay Kooxda Macawiisleyda ah ayaa waxaa la sheegay inay kasoo gadoodeen Ciidamo kale oo ku sugan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Hadaba maxaa sababay inay dagaalamaan Ciidamada Itoobiyanka ah iyo Maleeshiyaadka Macawiisleyda ah?,waxaa su’aashaas iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka wareysanay Maxamed Cali Istakiin oo sheegta in uu yahay Taliyaha Kooxda Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan.
Faahfaahin: dagaal gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidamo Itoobiyan ah iyo kooxda Macawisleey.
Posted by Risaala Media Corporation on Wednesday, 12 February 2020