Maxaa looga hadlay Kulanka Maanta ee Aqalka Sare?

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulankii 38aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.

Kulanka Waxaa ku-wehliyey Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Seentar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta aad ee Hindise-sharciyeedkaan.

Intaa kadib ayaa laguda galay Su’alo weeydiinta Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ee Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Sdioo kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng.

Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare .waxaana haatan socdo jawaabaha Su’aalaha la weeydiiyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee ku adaan Hindise- Sharciyeedkan Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.