Madaxweynaha Ukraine ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay si ula kac ah u beegsanayaan, goobaha ay ku badanyihiin rayidka iyo meelaha aanan u dhaweyn saldhigyada millatari.
Saraakiisha ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray gujis uu Ruushka leeyahay oo yaalla Badda Madow uu Khamiisti burburiyay xarun caafimaad, xafiisyo, bakhaarro iyo guryo la daganyahay oo ku yaalla magaalada Vinnytsia oo 268 kilometers dhinaca koofurgalbeed kaga beegan caasimadda Kyiv.
Ruushka ayaa beeniyay in ay bartilmaameedsadeen dad rayid ah.



