15 qof oo ku dhimatay daadad xooggan

Inta la xaqiijiyay 15 qof ayaa ku dhimatay ka dib markii daadad xooggan ay ku dhufteen gobolka Guangxi ee Waqooyiga dalka Shiinaha.

Daadadka ayaa waxaa sababay roobab xooggan oo dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay ka da’aayay gobolkaasi.

Gudoomiyha gobolka Guangxi ayaa Wakaalada Wararka Xinhua u sheegay in Daadadka ay la tageen dad ka badan 5 qof, 15 qofna ay dhinteen,  23,000  ay ku barakaceen.

Kooxaha Gurmadka deg deg ah ayaa ku howlan badbaadinta dad badan oo la aaminsan yahay in ay wali ku jiraan goobaha ay daadadku ku dhufteen.