136 qof oo rayid ah oo lagu dilay Yemen

Ugu yaraan 136 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dalka Yemen 11-kii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo ay sababtay Geeridda dadkaasi  weeraro isdaba joog ah oo ay geysteen ciidamada isbahaysiga Sacuudi Carabiya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Rupert Colville, oo ah afhayeenka Xafiiska Xuquuqda Aadanaha, ayaa ka muujiyay walaac Dhimashadda dadka  Shacabka , waxaana uu sheegay  in Qaramada Midoobey laga doonaayo in ay ka qaadan tilaabooyin deg deg ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xaaladda Yemen ay kasii dartay Markii  4 Diseembar  la dilay Madaxweynihii hore Ali Abdalla Saleh.

Saalax ayaa lagu dilay weerar bam gacmeed iyo weerar qoryo leh oo ay ku qaadeen xooggaga Houthi ka dib markii uu burburay isbahaysigooda jilicsan, waxaana uu muujiyay furfurnaan si uu wadahadal ula yeesho isbahaysiga hoggaamiya Sacuudi Carabiya, kaas oo soo dhexgalay Yemen bishii Maarso 2015 si uu u soo celiyo dawladda Madaxweyne Cabdullaahi Mansour Hadi.

In ka badan 10,000 oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaalada  Yemen, Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 8.4 milyan oo qof ay u dhintaan Macaluul.