133 qof Soomaali ah oo dalka dib loogu soo celiyay

Ururka socdaalka Dowliga ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya in lagu  soo celiyay 133 oo Soomaali ah kuwaa soo ku sugnaa Gudaha dalka Yemen.

Wakaalada Wararka ee Turkiga ayaa  sheegtay in dadkaasi laga soo qaaday Magaalada Caddan,islamarkaana lagu soo celiyay Soomaaliya, waxaana lasoo saaray doon.

Ururka Socdaalka Caalamka ayaa Bilooyinkii lasoo dhaafay waday daadgureynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yemen.

Tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada dalka Yemen, waxaa Soomaaliya dib loogu soo celiyay dad badan.