10-Ka Kooxood ee Ugu Mushaar Bixinta badan Xilli Ciyaareedkan 2018-19

Barcelona ayaa ah kooxda lacagta ugu badan ku qarash garaysa mushaar bixinta ciyaartooyda iyada oo ka badan koox kasta oo ciyaarta kubadda cagta.

Iyada oo ciyaartooydeeda sanaddii mushaar ahaan u siisaa adduun dhan 487-million oo Euro, lacagtan ayaana ah mid ku dhaw laba laabka tan ay bixiso kooxda Premier League ka ciyaarta ee Manchester City.

Haddaba halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonna liis ka kooban toban kooxood kuwaas oo ah kuwa lacagaha ugu badan ku bixiya mushaar ahaan.

Kooxaha liiskan kasoo muuqday ayaana waxa kaliya horyaalka Serie A uga jira kooxda Juventus, taas oo laga dareemi karo dhaqaalo yarida kooxaha talyaaniga.

Si lamid ah Bayern Munchen iyo Brussua Dortmund ayaa matali doona Bundealiga halka Premier League uu liiskan ku leeyahay kooxaha Liverpool, Man City, Chelsea, United, iyo Arsenal.

Haddaba waa kan liiska oo dhammaystiran inaga oo idinla wadaagi doonna magaca kooxda iyo mushaarka sannadlaha ahbee ay siiso ciyaartooydeeda, iyada oo ay xusid mudan tahay in warbixintani ay taabanayso mushaaraadka ay kooxuhu bixinayaan xilli ciyaaredkan 2018-19.

10. Borussia Dortmund -€187 million.

9. Arsenal -€232 million.

 8.Liverpool -€241 million.

7. Chelsea -€256 million.

6. Juventus -€259 million.

5. Bayern Munich -€265 million.

4. Manchester United -€337 million.

2. Real Madrid -€395 million.

1. Barcelona -€487 million.