SOSCENCA oo Muqdisho ku soo gaba gabeysay shir laba maalmood socday

Muqdisho-RisaalaFM- Ururada Bulshada Rayidka ayaa laba maalmooda waxa ay Magaalada Muqdisho ku lahaayeen shir ku saabsan xalinta Doorka bulshada rayidka ee xal u helista khilaafaadka siyaasiga ah iyo midka Dastuuriga ah.

Shirka inta uu socday ayaa mararka qaar waxaa barbar socday dood cilmiyeed ay sameynayeen dhinacyada shirkaasi ka qeyb galayay, waxaana gaba gabadii shirka oo maanta aheyd ururada bulshada rayidka ay soo saareen war murtiyeed ku qodobeysnaa sida ay u arkaan khilaafaadka siyaasiga ah iyo midka Dastuuriga ah oo qaarkood hada uu taagan yahay.

Gudoomiyaha ururka bulshada rayidka ee SOSCENCA Diini Maxamed Diini oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay war murtiyeedka ay soo saareen, wuxuuna sheegay in ay qiimeyn ku sameeyeen marxalada uu dalka marayo.

“Wadanka duruufaha sida gaar ah aan u cayimnay waxay aheyd khilaafka siyaasiga ah iyo khilaafka Dastuuriga ah, mararka qaar khilaafka siyaasiga ah ayaa wuxuu isku bedelaa khilaafka Dastuuriga ah, marka aan qiimeynay maralada uu dalka marayo ayaan labadaas cinwaan dooranay,” Ayuu yiri Guddoomiye Diini.

Sidoo kale Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ay qaban doonaan shir kale oo lagu lafa gurayo waxyaabaha ka soo baxay kulankan maanta la soo gaba gabeeyay.

Ugu dambeyntii ka qeyb galayaasha ayaa waxa ay soo jeediyeen in muhiim ay tahay in la helo guddiyo u gaar ah bulshada rayidka, kaasi oo u baahan dhisidiisa in laga yeesho falanqeyn dheer, si loo helo guddi si hufan u gudanaya shaqadiisa.