Idaacadda Risaala oo maanta afurisay 100 qof oo danyar ah (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa afurin u sameysay 100 qof oo ka mid ah dadka danyarta ah, dadkan afurka loo sameeyay ayaa ku nool degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Dadka maanta la afuriyay ayaa isugu jiray dad Da’ah iyo kuwa aan awoodin iney iska bixiyaan afurka, lacagaha afurinta loogu sameeyay dadkan ayaa waxaa bixiyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala oo si toos ah ugu qeyb qaadanaayay Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar oo galabta kasta ka baxa Idaacadda Risaala.

Dadka ka faa’ideystay deeqdan afurinta ah ayaa u mahadceliyay Idaacadda Risaala iyo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay afurka la gaarsiiyay.

Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar ee ka baxa galabta kasta Idaacadda Risaala ayaa ah barnaamij lacago loogu aruuriyo dadka danyarta ah ee aan awoodin iney iska bixiyaan afurka.

Maamulka Idaacadda Risaala ayaa go’aansaday in sanadkii labaad la qabto barnaamijkan kadib codsi ka yimid dhageystayaasheeda oo doonaya iney walaalahooda afurka awoodin caawiyaan, waxaana sanadkan sanadkii hore uu barnaamijkan kaga duwan yahay in galab kasta afurin loo sameeyo dadka danyarta ah ee gudaha iyo banaanka magaalada ku nool.