Garoonka Aadan Cadde oo maanta haawanaya

Muqdisho-RisaalaFM- Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaanan maanta shaqeyneyn, maadaama xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha ay ka dhaceyso meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradaha rakaabka ah ee ay raacaan Dadka safraya ayaa maanta la mamnuucay waxaanan jirin Diyaarad Garoonka Aadan Cadde ka duuleysa ama ka soo degeysa, marka laga reebo Diyaaradaha sida wafuuda ka qeyb galeysa xaflada Caleemo Saarka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Jaamac (Jangali) ayaa Risaala u sheegay in maanta aysan jirin shaqo ka socota Garoonka Diyaaradaha oo aysan soo degi doonin Diyaarad, sidoo kalena duuli doonin Diyaarad, marka laga reebo kuwa sida wufuuda ka qeyb galeysa xalafada Caleemo Saarka.

Sarkaal ka tirsan shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ayaa Risaala u xaqiijiyay in maanta la fasaxay qaar ka tirsan shaqaalaha Garoonka, maadaama aysan jirin shaqo aad u badan.

Bishan gudaheeda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa ay noqoneysaa in la xiro Labo jeer, maadaama 8-dii Bishan oo dhaceysay Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya sidan oo kale loo xanibay.