Maxaa ka soo baxay kulan uu Taliyaha NISA la yeeshay Xildhibaano & Odayaal ku sugan Baladweyne?

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaana adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in dalka oo dhan laga saaro Alshabaab  .

Dhinaca kale , Xildhibaanada Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada oo Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan doorkooda la dagaalanka Alshabaab .