Zlatan Ibrahimovic ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay kulankiisa koowaad uu LA Galaxy u cayaaro kulan ka tirsanaa horyaalka Mareekanka MSL.
Zlatan Ibrahimovic ayaa badal kusoo galay kulankaan daqiiqadii 71-aad kaliya marka uu cayaarta ku jiray 6-daqiiqo ayuu goolkiisa koowaad dhaliyay.
Big Zlatan ayaa goosha naadiga Los Angeles FC kasoo toogtay 38 yard sidoo kalena funaandada siibtay asigoo dabaal deg waali ah sameeyay cayaartana ka dhigay 3-3.



