Zlatan Ibrahimovic ayaa la soo warinayaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey ee Manchester United, isla markaana uu weeraryahanku sheegay inuu ku dhow yahay inuu ka tago garoonka Old Trafford.
Ibrahimovic ayaa ku raaxaysatay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Man United, isagoo u dhaliyey 28 gool 46 kulan oo uu u ciyaaray tartammada oo dhan, ka hor inta uusan soo gaarin dhaawac daran oo jilibka ah, kaasoo garoomada seejiyey illaa dhammaadkii 2017.
36-sano jirkaan ayaa soo laabtay bishii November si uu u sii wado toddobo kulan oo dheeri ah, laakiin ma uusan ciyaarin tan iyo kulamadii Boxing Day, waxaana uu u muuqdaa in xiddigan reer Sweden uu qarka u saaran yahay inuu soo gabagabeeyo waqtigiisa kubadda cagta Ingiriiska.
Jariiradda ESPN ayaa warinaysa in Man United ay ogolaatay in la kansalo heshiiska Ibrahimovic, kaasoo uu ka harsan yahay in ka badan saddex bilood, sidaasi darteed ciyaaryahanka ayaa heshiis la saxiixan kara kooxda ka dheesha horyaalka MLS-ka maalmaha soo socda.
Kooxda Los Angeles Galaxy ayaa horay loola xiriirinayey saxiixa Ibrahimovic, waxaana la soo jeediyey in xiddigan halyeyga ah uu dhammaystiri doono ku biiristiisa kooxda ka dhisan California mustaqbalka dhow.


