Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramaya in ay saaka ku tartameen labo Musharax oo si weyn kursigooda muran uga jiray.
Doorashada Saaka ka dhacday Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku tartamaayey Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Shukri Cabdi Faarax.
Waxaa ku guuleystay C/Xakiim Macalin Axmed oo helay 40 cod, halka Shukri Cabdi Faarax heshay 5 cod, Ergada codeysay 45 ergay.
Waxaana goobta ka maqnaa
1. Maxamed Caabi Xasan
2. Xaliimo C/raxmaan Faarax
3. Axmed Mire Faarax (Faafaale)
4. Sacdiyo Maxamed Cilmi


