Lionel Messi ayaa heli doona fursad uu ku jabiyo rikoorka gool dhalinta ee Cristiano Ronaldo ee marxalada Group-yada ee Champions League marka ay Barcelona caawa Camp Nou ku wajahdo kooxdda Borussia Monchengladbach.
Ronaldo ayaa 11 gool oo la yaableh ka dhaliyay Heerka Group-yada ee Tartankaan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, afar ka mid ahna waxaa xusid mudan inuu ka dhaliyay kooxdda Malmo kulamadii lixaad ee Group-ka, hadaba rikoorkaas waxaa jabin kara Messi.
Xidiga heerka caalami ee Argentina ayaa 9 gool dhaliyay 4 kulan oo uu xiligaan kasoo muuqday heerka Group-yada isagoo seegay safarkii ay Barcerlona ku aaday Monchengladbach dhaawac dartiis,hada waxaan ognahay in hadii uu sadex gool ka dhaliyo kooxda Bundesliga ciyaarta inuu dhaafi doono rikoorka Ronaldo.
Hadii uu labo gool ka dhaliyo kulanka caawa Messi waxaa uu bar bareyn doonaa rikoorkii Ronaldo ee heerka Group-yada ,laakiin waxaa dad badan ay qabaan inuu raadin doono sadex gool si uu uga saro maro.
Messi ayaa sidoo kale sii dheereyn kara rikoorka ninka ugu sadexleyda badan koobkan hadii uu caawa saddex gool ka dhaliyo kooxdda Jarmalka.


