Xulka Brazil oo markii 9aad ku guuleystay Copa America

Xulka Brazil ayaa markii 9aad xalay ku guuleystay Copa America ka dib markii ay 3-1 ku garaaceen ciyaartii finalka xulka Peru iyadoo Gabriel Jesus casaan laga siiyay ciyaarta oo 20 daqiiqo harsan.

Everton ayaa hogaanka u dhiibay xulka Samba ka hor inta aysan Peru ku barbareynin gool rigoore ahaa uu u saxiixay Jose Paolo Guerrero, laakiin Gabriel Jesus ayaa hogaanka ku soo celiyay wax yar ka hor waqtigii nasashada.

Jesus ayaana jaale labaad loo taagay ciyaarta oo 20 daqiiqo ka harsan, laakiin Brazil ayaa goolka seddexaad heshay daqiiqadii 90aad oo uu u saxiixay Richarlison.