Xukun adag oo lagu riday Nin dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Sida lagu daabacay Startribune, Leroy Davis-Miles,  oo 24-jir  ah una dhashay dalka Mareykanka ayaa qirtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2019 in si ula kac ah uu u dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Shirwac Xasan Jibriil.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo kamid ahaa darawalada Gaadiidka ku Shaqeysta ee magaaladda Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray gacan-qaad uu u geystay Leroy Davis-Miles oo u dhashay dalka Mareykanka.

Maxkamadda magaaladda Minneapolis, gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka Leroy Davis-Miles oo 24 Sano jir ah waxaa ay ku xukuntay xabsi 13 Sano ah.

Maxkamadda magaaladda Minneapolis ayaa la horkeenay cadeymo muujinaya sida uu falka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed uu u dhacay, waxaana la sheegay in Davis-Miles iyo koox la socotay uu gaarigiisa ku qaaday Shirwac isla markaana uu ka codsaday in ay ka yareeyaan buuqa, balse uu jawaab uga dhigay Davis-Miles in uu feero ilaa uu dhulka ka dhaco.

Shirwac Xasan Jibriil ayaa u geeriyooday  Lix maalmood kadib, dhaawicii gaaray, waxaana uu ahaa Aabaha sideed Carruur ah, waxaana dalka Mareykanka uu ku galay qaxooti ahaan, isaga oo sii maray dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga.