Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Towfiiq ee degmada Tooratoorow, Shabeellaha Hoose lagu qabtay labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ay sheegeen inay dadka baad ka qaadi jireen.
Mid ka mid ah ragga la soo qabtay, Sakariye, ayaa baaritaan lagu ogaaday inuu yahay wiil uu dhalay Macallin Cabdirahmaan oo ka tirsan horjoogayaasha Al-shabaab.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay mooto, hub iyo agab kale oo Al-shabaab ay adeegsan jireen falalka amni-darro.




