Xubno ka socda Golaha amaanka ee QM oo booqasho ku imaanaya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ahna Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Dowladda Masar Ambassador Amr Aboulatta, ayaa ku dhawaaqay in xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay booqasho ku tagi doonaan dalka Somaliya inta aan la gaarin doorashada si ay u qiimeeyaan xaalada ammaan iyo mida siyaasadeed ee Soomaaliya.

 

Amr Aboulatta, waxa uu tilmaamay in 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM  booqashadooda  tagi doonaan inta u dhaxeysa 21-da ilaa 17-da, magaalada Qaahira  ee caasimada dalka Masar,waxayna la kulmi doonaan xubno ka socda Jaamacada Carabta,sidoo kale xubnaha ka socda Qaramada Miboobe ayaa tagi doonaan magaalada Nairobi  ee caasimada dalka Kenya.

“Booqashada aan ku tageyno Soomaaliya waa inaan soo aragnaa hormarka ka jira Soomaaliya ,muhiimada koowaad waa inaan taageernaa doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya Soomaaliya” ayuu yiri Amr Aboulatta.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa bishii la soo dhaafay khudbad ka hor jeeday golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe tasoo uu ka hadlaayey hormarka iyo doorashooyinka sanadkan ka dhacaya Soomaaliya.