Dagaal ka socda Duleedka magaalada Gaalkacyo

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa  saakay Weerar  qaaday Maleeshiyaad isbaaro dhigtay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa hada ka socda deegaanka Ceel-aqwaan oo 10 km u jira magaalada Gaalkacyo ,waxayna la sheegaya in uu dagaalku xoogan yahay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka nabad sugid Galmudug ay isku dayeen in ay xoog ku qaadaan isbaarooyinka yaala deegaanka Ceel-aqwaan ee duleedka Gaalkacyo.

Ilaa hadda lama Oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda duleedka Gaalkacyo.