Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda

Isxaaq Sheikh Cali Cabdullaahi oo loo yaqaano ( iskajir ) ayaa isku soo dhiibey Taliska Qeybta 60-aad Ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla degaannada Koonfur Galbeed.

Isxaaq ayaa Al-Shabaab katirsanaa muddo kabadan 14 Sano, wuxuuna tababaro kala duwan kusoo qaatey Gobolada Baay iyo Bokool.

Isaaq oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday saaxiibadiisa kale ee qeli duurka kujira  in ay isku soo dhiibaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Koonfur Galbeed ku batay Saraakiisha iyo Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.