Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo ka tirsan Al-shabaab , kaas oo doonayay inuu Doon ka raaco xeebaha deegaanka Mareeg ee Gobolka Galgaduud.
Ninkan Al-shabaab ka tirsan ayaa qabashadiisu waxay timid kadib markii xogtiisa ciidanku ay ka heleen bulshada ka agdhow xeebta Mareeeg, iyadoo lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ninkaan uu sheegay inuu u dhashay dalka Yemen, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha Al-shabaab ee ka dagaalama Galmudug.



