Qarax ayaa ka dhacay barqanimadii saaka ka dhacay Waaxda Heegan ee degmada Xamar JaJab, gaar ahaan meel u dhow isgoyska Ceelgaabta oo ay marto wadadda xiriirisa Madaxtooyada Soomaaliya iyo Dekadda Muqdisho, taasoo Madaxda dowladda ku safarto.
Qaraxa oo warar kala duwan kasoo baxeen ayaa la sheegay inuu ahaa waxyaabo qarxa oo jidka dhinaciisa la dhigay, waxaana la qarxiyay xilli ay goobta marayeen kolonyada Ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya.
Burbur xoog leh ayuu geystay qaraxa, waxaana waxyeello kasoo gaartay dhismooyinka u dhow goobta qaraxu ka dhacay. Sidoo kale Qaraxa ayaa haleelay Gaari ka mida kuwa aanay xabbadu karin ee ilaalada Madaxtooyada oo goor danbe laga qaaday halkaasi.
Waxaa soo baxaya qasaaraha uu geystay qaraxa, iyadoo la xaqiijiyay inuu ku dhintay qof goob Ganacsi ku lahaa halka qaraxu ka dhacay; waxaase la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga helo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amniga dowladda oo ku saabsan qaraxa, iyadoo Warbaahinta loo diiday inay gaarto goobta qaraxa.
Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ilaalada Madaxtooyada ayaa weli ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona baaritaano xooggan ay ka sameeyay, waxaana la xiray guud ahaan wadooyinka soo gala isgoyska Umbultooriya Ceelgaabta ee Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusii jeeda degaanada Hirshabeelle si uu u Dardar geliyo dagaalka Alshabaab, wuxuuna safarkiisa ka bilaabayaa degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.



