DEG DEG: Ciidanka dowladda oo gudha u galay xarunta warbaahinta Risaala shaqaalihiina xabsi u taxaabay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd xoog ku galay Xarunta Warbaahinta Risaala ee magaalada Muqdisho, iyagoo albaabada isugu dhuftay qeybihii Warbaahinta Risaala Media.
Ciidamadan oo ahaa kuwa Booliska oo aan wadan Amar maxkamadeed, waxay sheegeen inay amar ka heystaan taliye Macallin Mahdi, waxayna xireen dhamaan howlwadeennadii iyo shaqaalihii ku sugnaa xarunta; iyagoou kaxeystaay meel aan la garaneyn.