Wararka laga helayo Magaalada Jowhar yaa sheegaya in Ciidamada Booliiska ay goordhow xireen Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, Abdalle Ahmed Muumin iyo Madaxa Tababarada Somali Journalists Syndicate – SJS , Hanad Ali Guled oo howlo Shaqo u tegay halkaas.
Ciidamada Booliiska Hirshabeelle ayaa ugu tegay Xubnahaan Hoteel Jaako ee ku yaalla magaalada Jowhar,halkaas oo lagu tababarayay Weriyaasha ka shaqeeya Magaalada Jowhar.
Ka hor xariga Xoghayaha SJS ayaa waxaa jirtay warbixin uu ka qoray sida loola dhaqmay markii shalay looga yeeray Saldhiga Booliska Jowhar.
Ururada Saxaafadda iyo Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay Xariga Xoghaye Cabdalla Axmed Muumin iyo tababare Hanad Cali Guuleed.
Hoos Ka Akhriso Warbixinta uu saacado ka hor qoray.
Shalay abbaarihii 11.28am waxaa hotelkii aan ka deganeyn magaalada #Jowhar soo weeraray ciidan aad u hubeysan oo watay qoryaha fudud iyo baabuur Cabdi Bile (pick-up) oo calaamadda boolisku ku buufsaneyd. Taliyaha booliska Saldhigga Jowhar oo magaciisa markii aan weydiiyay iigu sheegay “Carabey” ayaa iga dalbaday inaan u raaco Taliska Qeybta Booliska halkaasoo aan u raacnay aniga iyo maamulaha hotelka.
Markii aan tagnay Taliska Qeybta Booliska, waxaan galnay qol yar oo iftiinku ku yar yahay, oo ay dhex fadhiyeen saraakiil boolis oo uu ugu horreeyo Taliyaha Booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow oo ay la fadhiyeen dhowr saraakiil kale oo aan anigu aqoonsan. Midkood ayaa ii sheegay inuu Muqdisho igu yaqaanay, uuna dhowr jeer hore u daawaday anigoo dowladda cambaareynaya oo saxaafadda u doodaya.
Daqiiqado ka bacdi waxaa qolkii soo galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Maxamed Cali Caadle. Waxay caay, hanjabaad iyo indho-guduudis isugu dareen maamulihii hotelka oo ay sidoo kale weydiiyeen tababarka weriyayaasha Somali Journalists Syndicate – SJS ee halkaa ka socda. Waxay ugu goodiyeen inay xirayaan.
Waxaan isku dayey inaan u sharraxo hawsha tababarka aan wadnay. Waxay na weydiiyeen waxa uu ku saabsan yahay tababarka, cidda fasaxa na siisay, liiska suxufiyiinta aan tababareyno, qabiilladooda iwm. Waxaan u sheegay in suxufiyiintu qabiil ahayn. Balse, iyaga meesha fadhiya ay yihiin kuwa qabiil-qabiil u kala xirtay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda. Waxaan kaloo u sheegay inaan anaga urur ahaan aanan baad bixinin. Arrintaas way ka caroodeen, waxayna iigu goodiyeen inay i xirayaan.
Labo askari oo aan hub wadan ayaa markiiba ii kexeeyay saldhigga booliska oo ku yaalla meel 40 tallaabo jihada waqooyi kasoo eegeysa halkii aan joognay. Waddada waxaa hareer yaalla biyo dhiiqeysan. Markii aan saldhigga galnay waxaan u gudubnay qol bidix kasoo jeeda oo iftiinku ku yar yahay. Labo miis oo gudaha taalla waxaa ka gadaaleeysa labo oday oo mid macawiis xiran yahay, midna telefoon dhegta ku hayo. Haweeney da’ dhexaad ah oo xijaab xirana meel albaabka xigta ayey fadhiday, hase yeeshee istaagtay markii aan soo galnay.
Mid ka mid ah labadii askari ee i wadatay ayaa ayaa kuwii ku jiray qolka ku yiri “ninkaan kursi siiya”. Odaygii macawiista xirnaa ayaa i weydiiyay magacayga, magaca hooyaday, halka aan ku dhashay, deegaankayga iyo qabiil. Kaddibna wuxuu i weydiiyay lacag iyo telefoon inaan ku soo wareejiyo. Waxaan u sheegay in qof macawiis xiran oo aanan aqoon aan siin karin telefoonkeyga iyo lacag. Wuu xanaaqay, wuxuuna igu yiri “wixii kaa luma mas’uul kama nihin”. Anna waxaan ku iri “Aniga iyo hantideyda wixii na gaara adinka ayaa ka masuul ah”.
Dhowr daqiiqadood markii aan murmeynay ayaa waxaa soo dhacay telefoon. Waxaa markiiba ii yimid sarkaal boolis ah oo i raaligeliyay. Kaddibna waxaa nagu soo biiray mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo heer boolis ah. Waxay noo sheegeen in khalad uu dhacay.
Weli waxaan sugeynaa fasiraad dheeraad ah. Waana nabad qabnaa.!



