A/siyaasadeed oo rajo ka muujiyey in Baarlamaanka uu fududeeyo meel marinta Sharciga axzaabta siyaasadeed.

Gudoomiyaha Xisbiga siyaasadda Umadda dalka, Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa waxaa uu ka hadlay ansixinta Sharciga Axzaabta siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale Zakariye ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka uu goor hore gudbiyey Xukuumadda dhankiisana uu doonayo in arintan la gaba gabeyo isagoona intaa ku daray in  golaha wasiirada uu dhankooda culays ka jiray oo waqti hore loo gudbiyay.

Waxa uu dhanka kale tilmaamay in nidaamkan haddii sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dhameyo uu noqon doono midka hadda caalamka ay wax ku doortaan.

Shalay ayay ahayd markii golaha wasiirada ay soo ansixiyeen sharciga axzaabta siyaasadeed ee dalka.