Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ka hadlay sababaha loo adkeeyay amniga garoonka.

Maareeyaha g

Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso  Bashiir Muuse C/raxmaan ayaa waxaa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo la xiriira garoonka Boosaaso iyo amaankiisa.

Waxaa uu tilmaamay in garoonka xaaladiisa ay tahay mid dagan isaga oo intaa ku daray in garoonka amaankiisa guud wax laga badalay laguna xoojiyay ciidamo tababaran gaar ah leh.

aareeyaha ayaa  fariin u diray dadka garoonka ka dhoofaya oo uu u sheegay inay ka qeyb qaataan amniga ayna ogolaadaan in baaritaan la marsiiyo xilliga ay garoonka ka dhoofayaan.

Bashiir ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in shacabka ay la shaqeeyaan  Booliska si amaanka guud loo ilaaliyo.

Dhowaan ayay ahayd markii diyaaradda Daallo gudaheeda lagu xiray waxyabaha qarxa iyada oo xilligaasi ka duulaysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho taas oo keentay in garoomada dalka oo dhan feejignaan amaankaa laga dareemo.