Xisbiyada Maraykanka Oo Heshiis gaaray

Dhexdhexaadiyayaal ka  tirsan aqalka kongareeska ee Maraykanka oo matalaya xisbiyada jamhuuriga iyo sido kale dimuqaradiga ayaa sheegay inay gaareen isafgarad lagu maalgelinayo howlaha dowladda.

Heshiiskan ayaa looga gol leeyahay inuu ka hortag u noqdo inay mar kale hakad galaan howlaha waaxyaha kala duwan ee xukuumadda Washington.

Tallaabadan horay loo qaaday waxaa warbaahinta u sheegay senetar Richard Shelby iyo Nita Lowey kaddib kulan ay albaabadu u xirnayeen oo ay siyaasiyiintu yeesheen.

Bishii Disembar ee sannadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump uu dalbaday miisaaniyad ah 5.7 bilyan oo doolar si uu ugu dhiso darbi kala qeybinaya Maraykanka iyo Mexico .

Dalabaadka madaxweyne Trump ayaa waxaa ka dhashay Isfahan waa sababay in muddo 35 cisho ah ay xirmaan howlihii dowladda ugu dambeyntina dib u dhac ku yimid mushaaraadkii in ka badan 800, 000 oo shaqaale ah.