Xisbiga Wadajir:- Heshiiska Shidaalka Wuxuu Ka Hor Imaanayaa Sharciyada Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka

Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hor yimid heshiis shidaal oo dhowaan la shaaciyay, isagoo ku  mid si toos ah uga hor imaanaya sharciyada iyo xeerarka dalka u degsan ee la xiriira maareynta kheyraadka dabiiciga ah.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xisbiga ayaa lagu caddeeyay in heshiiskaasi uu jebinayo heshiisyadii hore ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada, kuwaas oo qeexaya in dhammaan heshiisyada ku saabsan sahminta, baarista ama qodista shidaalka lagu fuliyo hannaan daahfuran, sharciyaysan, lana marsiiyo marxalado muhiim ah oo sharciyeed.

“Heshiiska noocan ah waa in laga doodo, la qiimeeyaa, lagu heshiiyo, ugu dambeyna la horgeeyo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si loo ansixiyo ka hor inta aan la saxiixin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xisbiga Wadajir wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka in ay ilaaliso dastuurka iyo heshiisyada wadajirka ah ee xeerinaya in kheyraadka dalka lagu maamulo si mas’uuliyad leh, hufan, isla markaana lagu saleeyo danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.