Ciidamada Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Weerar Ku Qaaday Xafiiska Ururka ONLF ee Jigjiga

Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada booliska maamulka ay weerar ku qaadeen xafiiska ururka ONLF (Ogaden National Liberation Front), xilli uu shir halkaasi ka socday.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamadu si xoog ah ku galeen xafiiska, isla markaana xabsiga u taxaabeen dhammaan xubnihii ku sugnaa xilligaasi. Wararka qaar ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ah xubnaha la xiray ay jirdilmeen, dhaawacyo culusna ay soo gaareen.

Illaa iyo hadda, maamulka deegaanka kama uusan hadlin dhacdadan, halka masuuliyiinta ururka ONLF ay cambaareeyeen weerarka, kuna tilmaameen mid lagu caburinayo xorriyadda ururada siyaasadeed iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta deegaanka.

Ururka ONLF oo muddo dheer u halgamayay xuquuqda dadka Soomaalida Itoobiya ayaa dhawaanahan dib u habeyn iyo isbedello siyaasadeed ka waday gudaha deegaanka, waxaana dhacdadan ay ku soo beegmeysaa xilli deegaanka laga dareemayo kacsanaan siyaasadeed.