Xisbiga Himilo Qaran oo ka hadlay Caqabadaha heysta Suxufiyiinta & Warbaahinta Madaxa banaan

War saxaafadeed  uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ayaa looga hadlay Caqabadaha  ka dhan ah Suxufiyiinta iyo Warbaahinta Madaxa Banaan ee uga imaanaya mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliaya .

Xisbiga Himilo Qaran: “Dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhanka ahaa xorriyatul gowlka, xuquuqda suxufiyiinta, iyo caqabadaha lagu hayo ururrada u dooda xorriyadda warbaahinta madaxa banana ee dalkeenna waa kuwo nasilb darro ah oo aan la aqbali karin”.