Xisbiga Buuxiya Sharuudaha Axzaabta dalka oo la sheegay in la aqoonsanayo

Iyadoo dhawaan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen Sharciyada axzaabta siyaasada dalka Soomaaliya ayaa wasaarada arimaha gudaha xukuumada waxay sheegtay in xisbiga buuxiya sharuudaha axzaabta dalka ay aqoonsan doonaan.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/rashiid Xidig, waxa uu sheegay Sharcigaan in la horgeyn doono Baarlamaanka Somaliya si ay u meel mariyaan, kadibna Sharciga uu noqon doono mid toos ah oo Axsaabta gaar u ah.

Waxa uu tilmaamay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya inay Xisbi Siyaasadeed u aqoonsanayso cidii soo buuxisa Shuruudaha Sharciga uu qeexaayo, cidii aanan buuxina aysan noqon karin Xisbi Siyaasadeed.

“Sharci ayaa jiro oo ay Wasaaraddu diyaarisay, kaasi oo dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada, waxaana u gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, iyadoo marka uu meel mariyo ay noqon doonto, isla markaana ciddii soo buuxisa sharuudaha sharciga loo aqoonsan doono xisbi siyaasadeed.” ayuu yiri Cabdirashiid Xidig.

Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira, ayaa hada laga doonayaa inay buuxiyaan Shuruudaha ku qoran Sharciga, inkastoo Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya weli aysan soo bandhigin nooca ay yihiin Shuruudahaasi.

Arbacadii la soo dhaafay, ayaa Garyaqaanka guud ee Dowladda wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay Dacwad ay gudbiyeen Axsaabta Siyaasada dalka, kuwaasi oo ka dacwoonaayay Ra’iisul Wasaare Sharmaake iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, waxaana Garyaqaanka Dacwadaasi inaysan waxba ka jirin u cuskaday inaysan sharci aheyn Axsaabta Siyaasada dalka ka dhisan.