Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan diyaar u ahayn xal u helidda khilaafka ka taagaan hanashada nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.
Waxaa uu shaaca ka qaaday isaga oo ku sugan caasimadda dalka China ee Beijingin dowladda Kuuriyadda Waqooyi in ay waddo dhibaateyn.
Waa markii u horaysay ee tan iyo intii ay soo cusboonaatay xiisadda Kuuriyada Waqooyi uu ka hadlo.
Waxaana uu saxaafadda u sheegay inay jiraan wadahadallo dhex maray labada dhinac, waxana uu sidoo kale tilmaamay inay ilaa imika jiraan ugu yaraan saddex qaab oo ay labada dal ku xidhiidhi karaan oo wali furan.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay xukuumadda Pyongyang inuu baab’inayo, kaddib markuu Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay dhowr gantaal, taasi oo Mareykanka uu sheegay inay khatar ku tahay nabadda caalamka.
Gantaalada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa cambaareeyay dalal badan oo caalamka, waxaana taasi ay horseeday in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateyn kusoo rogo dalkaasi.
Waxaase ilaa iyo imika aan la garaneyn xiriirka dadban ee Mareykanka uu sheegay in uu la leeyahay Pyongynag.



