Wasaarda Waxbarashada ee dalka kenya ayaa shaacisay xiliga dib loo furi doono iskuullada dalkaas oo horey loogu xiray faafitaanka cudurka COVID-19 aawadii.
Wasaaradda ayaa sidoo kale asteysay xiliga ay ardaydu u fariisan doonaan Imtixaannada qaran.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay wasaaradda caafimaadka kala shaqeyn doonto tallaabooyin caafimaad oo laga hirgelinayo iskuullada, si looga hortago faafitaanka cudurka.



