Xildhibaano xilka qaadis ugu hanjabay Madaxweynaha Puntland

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa aad u dhaliilay siyaasada ay ku Shaqeyso Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Shirkooda ayaa waxaa ay ku sheegeen in Sagaalkii Bilood ee uu xilka haayey uu qaaday ay dhamaantood ahaayeen kuwo baal marsan sababihii loo doortay,isla markaana uusan fulin balan qaadyadii uu sameeyey xilligii lagu jiray doorashada.

Mid kamid ah xubnaha Baarlamaanka Puntland oo u hadlay Xildhibaannada ayaa sheegay in Maamul goboleedyada ay kamid tahay Puntland ay diidan yihiin ku dhaqmida nidaamka federaalka ee xilligaan dalka ka jira.

Waxaa uu sheegay in maalma kahor ay deegaannada Puntland tageen Wasiiro katirsan Dowladda Federaalka,hayeeshee dhamaan go’aanadii ay ula yimaadeen ee ahaa xalinta khilaafka dowladda iyo Puntland uu ka qaatay go’aan kaligiis oo aan kala tashan Xildhibaannada iyo Odayaasha Dhaqanka Puntland.

Ugu dambeyn waxaa uu ku dhaliilay ka qeyb-galka Xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland,waxana uu ugu hanjabay inay kalsoonida kala laaban doonaan hadii uusan joojin tallaabooyinka uu qaadayo.