Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo ah halka ay ka socoto khudbad jeedinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya lagu dhaariyay Labo xildhibaan oo ka mid noqday Golaha shacabka.
Xildhibaanada la dhaariyay ayaa waxa ay kala yihiin Cabdi Maxamuud Maxamed iyo C/qaadir Gaafow Maxamuud, maadaama dhowaan Doorashadooda ay dhacday.
Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha ayaa sheegay ka hor Doorashada Madaxweynaha dalka inay qorsheynayaan in la soo gaba gabeeyo Dooarashada xubnaha ka harsan Golaha Shacabka.


