Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa Maanta Xarunta Jeneraal Kaahiye Magaalada Muqdisho ka dhacday Doorashada Kursi ka mid ah Kuraastii Doorashadiisu ka dhacday Magaalada Jowhar, kadib markii Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Guddiga Doorashada ay isku raaceen in lagu celiyo Doorashadiisa.
Xarunta ay ka dhaceysay doorashda ayaa waxaa ku sugnaa Maanta Wakiilo ka socday Xafiiska Siyaasada ee Qarmada Midoobay iyo Wakiilo kale.
Kursiga ayaa Waxaa ku tartamay labo Musharax, Waxaana goobta ay Doorashada ka dhaceysay ka shaaciyay in uu ka tanaasulay Musharax kale, Waxaana sidoo kale goobta ka maqnaa 3 kale oo Musharax oo iyaguna ay guddiga sheegeen in aysan ka qeyb galeyn Doorashada.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxamed C/llaahi Xasan Nuux ayaa 43 Cod kaaga guuleystay Hinda C/llaahi Cumar oo heshay 1 Cod, Waxaana soo xaadiray 44 Ergo sida ay sheegeyso Xubin ka mid ah Guddiga doorashada.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxamed C/llaahi Xasan Nuux ayaa guusha uu gaaray ka dib la hadlay Warbaahinta waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay guusha uu gaaray, isagoo sidoo kale ka warbixiyay dhacdooyinkii uu ka soo maray Kursigaan.
Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhageey ayaa sheegay in Doorashadaan Maanta dhacday ay tahay mid Cadaalad ah islamarkaana ay si adag u hubiyen Ergooyinkii ka qeyb galay Doorashada.
Shantii Xildhibaan ee Doorashadooda la amray in dib loogu noqdo, ayaa ilaa hada waxaa la doortay Afar Xildhibaan oo Doorashadooda ay ka kala dhacday Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Garowe.


