Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa Goor dhow sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey)
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne ku xigeenkii Xilka laga qaaday kadib markii ay u codeeyeen xil ka qaadistiisa ilaa 49 Xildhibaan, halka 2 ay ka aamuseen halna uu diiday in xilka laga qaado.
Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominaayay ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug.



