Xildhibaano ka hadlay arrinta C.kariin Qalbi Dhagax

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanadan oo baraha ay ku leeyihiin Internetka gaar ahaan Facebooka ayaa waxa ay kaga hadleen warka ka soo baxay ONLF ee ku aadan in Dowladda Soomaaliya ay Qalbi Dhagax ku wareejisay Dowladda Itoobiya.

Qoraal uu Bartiisa Facebooka soo dhigay Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayuu ku tilmaamay inuu ahaa fal aad u xun oo qiyaano qaran ah, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay madaxdeeda u bareertay.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa falka xun oo khiyaanada Qaran ah oo dawladda Soomaaliya madaxdeedu u bareertay kaddib markay caddaatay inay Mawaaddin Soomaali ah u gacan gelisay cadow shisheeye ah oo caawa hilbahiisa ay cunayaan waraabayaal gumayste kan ugu fool xun ah”. Ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in C/kariin Qalbi Dhagax uu muddo 3 sanno uu reer Muqdisho ahaa, isla markaana si nabadgelyo ah uu ku joogay.

Qoraalka uu Xildhibaanka soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qornaa:-

ABDIKARIIM QALBI DHAGAX MA DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED AYUU DANBI KA GALAY ?!

  1. Abdikariim Qalbi Dhagax sadex sano ayuu reer Mogadishu ahaa si nabad gelyo ahna ku joogay.
  2. Madaxweyne Farmaajo 6 bilood iyo 20 cisho ayuu ku dhiibay Abdikariim Qalbi Dhagax isaga oo aan u sababeyn Umadda Soomaaliyeed ee uu mas’uuliyada u haayo!
  3. Majiro heshiis ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhigaya inla isweydaarsado dadka looga shakisanyahay inay danbiyo ka galeen labada dal midkood.

Sidaas daraadeedna Madaxweynuhu wuxuu danbi ka galay Dalka, Dadka Soomaaliyeed iyo Dastuurka Qaranka waana in lagula xisaabtamaa.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri “Wararka dhibane C/kariin Qalbi Dhgax waxay noo cadaadeen kaib markii Dowladeena ay la aamustay yaxyax, Calanka Soomaaliya ayuu ammaan ka soo biday, balse wuu ka heli waayay, waana ceeb Soomaali oo dhan u soo hoyatay.” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.