Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 5-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 142-Xildhibaan ayaa Xildhibaanada Golaha waxay Akhrinta koowaad marsiiyeen Heshiiis-hoosaadka Qaramada midoobay ee sharciga badaha (UNCLOS) ee ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee aagga ka baxsan awooda Qaranka (BBNJ AGREEMENT),kaasoo ay gudbisay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, waxaana warbixinta heshiiskan golaha la wadaagay wasiir kuxigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Mudane Xuseen Cali Xaaji.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulanka soo xiray ayaa xildhihaanada golaha kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan shaqada ay Qaranka u haayaan, si loogu guuleysto ka shaqeynta shuruucda muhiimka ah ee golaha hortaala kalfadhiga 8-aad.
Ugu dambeyn Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska, Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta, Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Warbixinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka dambiyada kufsiga iyo anshax xumada kale iyo Warbixinta Akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka wax ka baddalka qeybtiisa 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.



