Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dood kulul ka leh Marxuumkii lagu gubay Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta dood kulul ka leh marxuum Axmed Dowlo oo dhawaan lagu gubay Magaalada Muqdisho sababo la xariir heyb sooc ku saleysan guur.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in Caddaaladda la horkeeno Cidii ka dambeysay Falkaasi oo ay si weyn uga naxeen Bulshadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin oo ka mid ah ayaa yiri  “Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane.”

Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa soo jeediyay in boqol dollar xildhibaanadu iska jaraan si loogu caawiyo qoyska uu ka dhintay ninkii la gubay.

Dooda Xildhibaanada ayaa wali socota waxaana lagu waddaa in laga soo saaro Go’aamo kala duwan.