Xildhibaan Cabdi Xukun “shirka Pan Africa Soomaaliya micno badan ayuu u leeyahay”+Sawiro

Shirka baarlamaanada Afrika oo magaalada Johannseburg ka furmay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax ay ka mid ahaayeen madaxweynihii hore ee Muzambig, madaxweyne kuxigeenka dalka Siraliyon, saddex guddoomiye baarlamaan oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti, Wasiiro ka socday Koonfur Afrika, Gambia iyo Guddoomiyaha Barlamaannada Carabta.

Xildhibaan Cabdi Xukun oo ah mudane ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan baarlamaanka Pan Afrika uu Soomaaliya macno badan u leeyahay, mas’uuliyiintii timidna ay inta badan xaaladaha adag ee Afrika ka jira ay Soomaaliya mudnaanta koowaad galiyeen.

Kulankaan oo Soomaaliya uga duwan kulamadii hore ayaa waxaa la qabtay doorasho lagu dooranayay gudoomiyaha Gudi gobaleedka Bariga Afrika oo ay ku tartameen xildhibaan Cabdi Xukun iyo Xildhibaanad dalka Ethiopia udhalatay, waxaana ku guuleystay kursigaasi Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Xukun oo ku guuleystay Gudoomiyaha guddi Gobaleedka Bariga Afrika ee Baarlamaanka Pan Afrika ayaa ka warbixiyay qaabkii ay udhacday doorashada iyo cododka uu ku guuleystay. wuxuuna intaa ku daray in xildhibaanadii u codeeyay ay Soomaaliya u codeeyeen ee aysan shaqsiyan ugu codeyn.

Kulankaan Baarlamaanka Pan Afrika oo ah Kalfadhigii Afaraad kulankiisa labaad ayaa waxaa lagu dhaariyay ku dhowaad 50 Xildhibaan oo badalayay kuraas ay baneeyeen xildhibaanadii ka yimid wadamadooda.

Soomaaliya waxay ka mid tahay Wadamada sida joogtada ah ugu qeybgala kulamada ee Pan Africa iyadoo ay Xildhibaanada ka socda Golaha shacabka soo bandhigaan baahida ay Soomaaliya u qabto dhinaca amaanka,kaabayaasha dhaqaale iyo arimo kale.

1 2 3 6 7 8 9 10 11