Xiisad Wali ka taagan Bariga Mudug

Xiisad dagaal ayaa wali ka taagan degaano ku yaalla Bariga gobolka Mudug oo shalay ku dagaallameen Ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkii shalay ayaa waxa ku dhintay in ka badan 10 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay  ku dhawaad 20 qof.

Xalay ayaa la sheegay in labada maamul ay geeyeen halkaasi ciidamadii ugu badnaa.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali ka aamusan dagaalkaasi, mana jirto cid war kasoo saartay.